Xildhibaan Cabdiraxmaan Cali Mire oo guul taariikhi ah ka soo hooyeey doorashooyin ka dhacay wadanka Finlad Mudane Cabdiraxmaan Cali Mire oo ah musharrax soomaaliyeed oo u taagnaa inuu kamid noqdo golaha deegaanka ee magaalada Espoo ayaa nasiib u yeeshay inuu noqdo qofkii ugu horreeyay oo Afrika ka yimid oo loo doorto inuu kamid noqdo golaha deegaanka magaalada Espoo. Magaalada Espoo oo ah magaalo fac weyn oo soo jirtay muddo ka badan 550 sanadood ayaa waxaa maanta ka dhacay doorashooyinka golaha deegaanka kuwaasoo ay ku tartamayeen in ka badan 620 musharrax Mudane Cabdiraxmaan Cali Mire oo ka tirsan xisbiga sosicial democratiga ayaa waxaa uusoo galay wadanka Finland sanadkii 1990 waana aabbe soomaaliyeed oo sumcad wanaagsan ku dhex leh bulsho weynta wadanka Finland . Markii ay dhamaatay doorashada ayuu Mudane Mire waxaa uu mahad celin ballaaran usoo jeediyey dhammaan umadda soomaaliyeed ee Finland ku nool, gaar ahaanna bulshada degan magaalada Espoo oo iyagu kalsoonidooda siiyey. Wuxuu sidoo kale si aad ah ugu mahadceliyey gudigii u ololeynayey doorashadiisa. Wuxuuna ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono intii karaankiisa ah sidii bulshada soomaaliyeed & umadda muslimka ah ee ku nool magaalada Espoo ay uga heli lahaayeen xuquuqdooda. Waxaa mudane Mire hanbalyo u diraya dhamaan umadda soomaliiyeed ee ku nool Finland gaar ahaanna: Cabdi Caagane Cumar & xaaskiisa |