src="http://pagead2.googlesyndication.com/pagead/show_ads.js">

 


Inna lilahi wa inna ilayhi rajicoon

Gudoomiyaha Ururka Alpha Trust Daahir Cali Kulmiye iyo dhammaan xubnaha ka tirsan Ururka waxa ay tacsi u dirayaan qoyska iyo ehelada Maxamed Cabdi Xasan Jiile oo maanta (25ka October 2015) ku geeriyooday magaalada London ee xarunta dalka UK.

Marxuum Maxamed Cabdi Xasan Jiile ayaa dhawaanahaan ku xanuunsanayay isbitaal ku yaala magaalada London.

Dhammaan xubnaha Ururka iyo Gudoomiye Daahir Cali Kulmiye waxa ay Illaahay ka baryayaan inuu Janada ka waraabiyo walaalkeen Aamiin.

Sidoo kale waxa ay si gaar ah tacsi ugu dirayaan C/llaahi Cabdi Xasan (Shiine) oo ka mid ah Ururka Alpha Trust, ahna walaalka Marxuumka geeriyooday.

Waxaan leenahay samir iyo iimaan buuxa Illaahay ha inaga wada siiyo Aamiin... Aamiin... Aamiin.

AAMIIN AAMIIN AAMIIN