Waxaa ayaan daro ah in burburkii qaranka Soomaliyeed ka dib, inta badan maamulka dowliga ah loo galo in lagu dhaco hantidda guud ee qaranka iyo mida gaarka loo leeyahay.
"Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu soo saaray wareegto, lagu amraayo guryihii burburay hadii dadkii lahaa hantidaas aysan mudo 3 bilood ku dhisan waayaan, lagala wareegi doono"
Hadaba waxaan wada ognahay burburkii magaaladda Beeyruud Wadnka Lubnaan, dib u dhiskeedi uu ku yimid aqoon iyo maskax aad loo soo dersay, tasoo loo sameeyay " SANDUUQ BEYRUUD" lagacta sanduuqa dib u dhiska waxaa qayb wayn ka qaatay aduun waynaha iyo dowladaha Carabta. Tasoo sahashay in milkiilayaasha dhismahaas bur bursan ay helaan lagac iskugu jirta deen iyo deeq, si bilicdii magaaladda ay dib ugu soo noqoto, taas waxay cadeeynaysaa in aqoonta wadata qorsho inay tahay waxa dal dib u dhisa.
Hadaba go'aankaan ay qaateen Maamulka Gobolka Banaadir waxaan u maleeynayaa inaysan shaqadooda ahayn ee loo baahan yahay, qorsho guud ee dib loogu dhisi karo Magaaladda Caasimadda ee Muqdishu, tasoo sinaba looga maarmi doonin Wasaaradda Howlaha Guud iyo Qorsheeynta. Sidoo kale waa inuu qorshahaan iyo misaaniyadaba ay qayb ku yeeshaan golaha shacbiga ee Dowladda Federaalka iyo Madaxdda sare dalka.
Waxaan aad uga shaki qabaa inay arinkaan ka dambeeyso, bililiqo la doonaayo in lagula wareego hantidda shacabka Soomaliyeed oo aysan burburita hantidooda aysan wax masuul ah ku lahayn. Waxaan wada ognahay inta badan xafiisyadda Dowladda inay ku yaaleen gudaha maqaaladda, kuwasoo ka mid ah daaraha sida xun u burbursan, hadaba maxay dowladda u dhisan weeysan xafiisyadeeda burbursan? hadiise ay dowladu dhisan weyso xafiisyadeeda yaa la wareegi doono?.
Waxaan u soo jeedinayaa umadda Soomaliyeed ee Jecel cadaaladda iyo qaranimadda Soomaliyeed inay go'aan adag ka qaataan boobkaan aan sharciga waafaqsanayn ee la caadeystay, sidoo kale waa in Dowladda Federaalka ay arintaan si dag dag ah u joojiso, sabatoo ah, waxay hadii aysan waxka qaban arimahaan waxaa hubaal ah inay lumineeyso kalsoonidda Shacabka Soomaliyeed.