Tartankii Olympigadda ee lagu qabtay dalka Mexico sanadku markuu ahaa 1968 ayaa Ciyaaryahanaddii ka soo jeeday Dalka Mareykanka
gaar ahaan Qawmiyadda Madaw oo kala ahaa Tommy Smith iyo John Carlos waxa looga yeeray halka lagu bixiyo Biladaha,
waxayna halkii tageen iyagoo ay gacmaha ugu jiraan gacan gashi(Gloves) madaw iyagoo kor u taagay gacmahooda taa oo aheyd fal ay ku
diidan yihiin qaabka loola dhaqmo Bulshadda Madaw ee Mareykanka,ficilkaas gacan taagida
waxay socotay inta ay ka dhamaato Musiqadii Astanta u aheyd Dalka mareykanka,sidoo kale Ciyaaryahanadda
Tommy Smith,Peter Norman oo Autralia u dhasha iyo John Carlos waxa qorta ay ku siteen calaamad muujineysay qiimaha Xuquuqda Aadanaha
Subaxnimaddi ay Taarikhdu aheyd 16 October 1968 Ciyaartoyda ka tirsaneyd Xulka Ciyaarha
Fudud ee dalka Mareykanka ayaa waxay ku guuleysteen Biladaha Dahabka ah iyo Maarta ee 200MT,
waxayna kala ahaayeen Tommy Smith oo ku guuleystaya Kaalinta Kowaad kuna orday 19.83 Seken iyo Peter Norman
oo australia u dhashay oo kaalinta labaad ku guuleystay kuna orday 20.06 seken iyo John Carlos oo kaalinta sedexaad
galay kuna orday 20.10seken,ka dib markii uu dhamaaday tartankii ayaa loo dhaqaaqay halkii biladaha logu bixin
lahaa,waxaana biladahaasi diyaar u ahaa in uu bixiyo DAVID CECIL oo ka mid ahaa qoyska ugu sareyo Dalka
Mexico,waxaase Ciyaartoydii ka socotay Dalka Mareykanka oo kaalinta Kowaad iyo Kaalinta Sedexaad
galay gudoomeen Biladihii iyagoo kabo la'aan ah laakiin qaba iskaalso Madow taa oo lagu
muujinaayey saboolnimadda qawmiyadaha Madaw ee Mareykanka,waxa sidoo kale qorta ku soo xirtay
maro madaw Ciyaaryahan Smith oo uu ku cadeynaayey qab weynida Dadka madaw, ee Mareykanka ku nool wallow
aysan helin xuquuqdooda,sidoo kale Cayaaryahan John Carlos isna soo qaatay calaamad lagu taageeraayo
shaqaalaha ka soo jeeda qawmiyadda madaw si uu ugu muujiyo in ay garab taagan yihiin,
sidoo kale waxa uu watay qor gashi lagu taageeraayo kuwa sida sharci daradda loo daldalay ama loo
dilay oo maanta ayan jirin cid u barooraneysa,sida kale kuwa xuquuqdooda lagu tuntay,
waxaana aan hubaa in ay tahay dhacdadaas midda taarikhda
Olimpigadda hadal heynteeda aan waligeed istaageenin.
Gudoomiyaha Gudiga Olimpigadda Addunka oo magaciisa la yiraahdo AVERY BRUNDAGE oo u dhashay dalka
Mareykanka ayaa waxa uu u arkay dhacdadaas in ay tahay mid aan mudneyn in la keeno
tartamadda Olimpigadda,waxaana uu sheegay in ay ka soo horjeedo aragtiyadda ay
Olimpikada ku qotonto,mana aha arrimaha Gudaha dalka mareykanka yaalo in la keeno meelo
sidaan oo kale ah oo ay ku kulansan yihiin addunka oo idil,waxaana uu amray in Ciyaaryahanadda
Tommy Smith iyo John Carlos laga saaro xeradda Olimpigadda(Olympic Village),waxaana arrintaa
diiday Guddiga Olimpigada Mareykanka oo hogaaminaayey Ciyaartoydii ka socotay Dalka mareykanka,
laakiin Gudoomiyihii Guddiga Olimpigadda caalamka ayaa waxa uu u sheegay Madaxda Olimpigadda
Mareykanka in uu Ciyaartoyda Mareykanka oo idil uu ka saari doono xeradda Olimpigadda
haddi aysan ka saarin Labada Ciyaaroy,halkiina ayaa looga saaray
Xeradii Olimpigadda oo hoy u aheyd Ciyaartoyda addunka oo idil..
Afhayeenka Guddiga Olimpigadda addunka ee waagaas ayaa shir jaraa;id uu qabtay waxa uu sheegay in
ficiladda ay ku kaceen Mr. Smith iyo Carlos aysan meelna uga jirin dastuurka
Guddiga Olimpigada Caalamka,waxayna ku habooneyd in ay xushmeeyaan dastuurkooda iyo xusmadda IOC oo soo
jireenka aheyd,dhanka kale Gudoomiyaha IOC ee waagaas Mr. AVERY BRUNDAGE waxa sida taarikhda
laga soo wariyey uu ahaa Gudoomiyaha Guddiga Olimpigadda ee Dalka mareykanka sanadku markuu ahaa 1936
oo tartanka Olimpigadda lagu qabtay dalka Jarmalka,waxaana lagu xantaa in uu dabac u muujiyey markii
keligii taliyahii xukumaayey Jarmalka ADLFO HITLER iyo shacabkii reer Jarmal ay dadkii
ku salaameen astaanta gaar u aheyd dawladda Jarmalka oo uu horkacaayey HITLER,
isagoo waa Mr. AVERY gudoomiyaha Olimpigadda USA sheegay in ay salaantaasi aheyd mid caadi ah oo
la aqbali karo,laakiin middi lagu daafacaayey dadka
dhibaateysan ee Mareynka Madaw ay tahay mid aan la qaadan karin.
Halyeeyadii Tommy Smith iyo John Carlos waxa laga faquuqay dhaman Ciyaaraha dalka
Mareykanka,waxa wada cambaareeyey wargeysyadda ugu afka dheer ee ka faalooda Ciyaaraha Mareykanka .....
wargeyska la yiraahdo TIME MAGAZINE ayaa waxa uu soo bandhigay shanta garanrir ee Olimpigada,
isagoo sii raaciyey in ay haboontahay in la raaco nuxurka ay ku fadhiyaan caalamadaha
shanta ah ee Olimpigadda ,waxa inta u dheereed iyadoo lagu xadgudbaayo iyo
iyaga iyo qoyskooda oo lagu cabsi gelinaayo in la dilaayo...
Mr. Peter Norman oo u dhashay Australia kaalinta labaadna galay ayaa waxa
uu u muujiyey saaxiibadii ay wada tartamayeen in uu arrinta xaqa ah oo ay wadaan kuna
taageerayaan qawmiyadda Madaw uu ku garab taaganyahay,taa waxa uu kala kulmay in laga
faquuqo Wargeysyada iyo Telefishinadda Isboortiga ka faalooda,waxaana loo diiday in uu
mar kale uu ka qeyb galo tartan Olimpig ah ,waxaana uu geeriyooday sanadku markuu
ahaa 2006 waxaana aaskiisii ka qeyb galaya saaxibadii Toommy Smith iyo John carlos.
Ugu dambeyntii ficiladda ay sameeyeen labaas halyeeyo waxa weeyo mid illa hadda la xusuusto eyna
doonaayeen in diiradda la saaro aragtida Olimpigadda oo ah in la dhawro horumarinta ban;aadamka,
lana dhawro xuquuqdo uu qof kastaba leeyahay,iyadoo la bartilmaamedsanaayo qodobadda
hoos ku qoran. 1)Hoy in loo helo kuwa hoy la;aanta ah 2)In la quudiyo kuwa baahan 3)In la daweeyo kuwa xanuusan 4
)In la xoreeyo kuwa la gumeysto 5)In aan qofna lagu faquuqin midabkiisa 6)In la joojiyo
Dagaalka iyo is dilka 7)In nabadda la dhaliyo iyadoo la xambaarsanyahay SHUCLADDA OLIMPIGADA.
Diyaariye. Dr. Cali Cusmaan Cali