src="http://pagead2.googlesyndication.com/pagead/show_ads.js">
Sidee looga Ciiday(Arafo) Magaalada Edmonton,Canada

 


 

 

Sidee looga Ciiday(Arafo) Magaalada Edmonton,Canada

"Allaahu Akbar Allaahu Akbar Allaahu Akbar laa Ilaaha Illalaahu allaahu Akbar walillaahi xamdu". "Alaaahu akbar kabiiraa Wal xamdu lillaahi Kathiiraa Wa subxaana llaahi Bukratan Wa asiilaa"waa erayadii ay kutakbiirsanayeen kumanaan Muslimiin ah oo isu soo baxay si ay u tukadaan salaada ciidda Carafo(Eid-ul-Adha) ee magalaada Edmonton ee dalka Canada.

Maalintii Khamiista  24-ka September,2015  ayey dadka Muslimiinta ahi  waxay isugu soo baxeen meeshi ay ku tukan lahaayeen Salaaddi Ciidda oo ku taallay downtown-ka magaalada Edmonton oo la yiraahdo Shaw Conference Centre. Muuqaalka guud ayaa ahaa mid bilicsan oo qof kastaa soo xidhay dharka kiisa ugu quruxda badnaa iyadoo wejiyadoodana ay ka muuqanaysay farxad iyo rayrayn isugana bishaaraynayey midba mid ka kale "ciid mubaarak".

Munaasabaddan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa isku soo dubbariday  masjidka weyn ee Saxaaba(Sahaba Mosque). Dhalinyaro mashaAllah mutadawiciin ah ayaa si wanaagsan uga shaqaynayey siiba xaga parkingka iyo gudaha Hall-kaba oo gabdho iyo Wiilalba leh,Jazahumullahu Khayran.

Inta aan Salaadda la tukan kahor ayaa wuxuu Sheekh Ciise Maxamuud oo ahaa Xiriiriyaha(MC) munaasabadda uu stage-ka soo saaray nin caddaan Kanadiyaan ah oo la yiraahdo Ryan oo waa Allah mahaddiise ku qancay in uu diinta Islaamka qaato oo dadka hortooda loogu qabtay Shahaadada, aad iyo aad baa arrinkaas loogu farxay loona marxabbeeyay walaalkeenna cusub ee community-ga Islaamka ku soo biiray.

Kaddib Markii Salaadda Ciidda la tukaday waxaa Khutbadi Ciidda halkaas kasoo jeediyay Imaamka Masjidka Sahaba Sheekh CabdulQaadir,khutbadaas oo ka hadlaysay mawaadiic aad u khuseeyo dadka muslimiinta ah guud ahaan iyo gaar ahaan munaasabadda Ciiddaan Weyn ee Carafo.

Taqabalallahu Minnaa Waminkum Saalixal Acmaal

Ciid Mubaarak / Ciid Wanaagsan

Maamulka Masjidka Sahaba
    Edmonton, Canada , info@sahabamosque.com   , www.sahabamosque.com