src="http://pagead2.googlesyndication.com/pagead/show_ads.js">

 

 

 

JAALIYADDA ATLANTA OO ABAABUSHAY QALINJIBINTA KU DHOWAAD BOQOL-ARDAY SOOMAAALIYEED


 



 

Jaaliyadda Soomaali-American Center ee Magaaladda Atlanta ayaa si heer sare ah u abaabushay Xaflad qalin jabin ah oo lagu qabtay Magaaladda Atlanta ee Cariga Mareykanka,xafladaas oo ka soo qeyb galkeeda aan loo kala harin,waxaana ka soo qeyb galay Odayaasha reer Atlanta,Hooyooyinka,Dhalinyaradda,Ganacsatada iyo qaar ka tirsan Jaaliyadaha kale ee ku nool Magaaladda Atlanta,

sidoo kale isu imaatankaas qiimaha lahaa lagu xusay 58 guuradii ka soo wareegatay xornimaddi Goboladda Koonfureed iyo midnimadii Goboladda Waqooyi Galbeed iyo Koonfur,waxaana Taarikh guud mar ah lagu sameeyey halgankii ay soo galeen Halyeeyadii Soomaaliyeed ee ka dhidhiyey Gumeysiga isla markaana naftooda u huray in ay Ummadda Soomaaliyeed ka qaadaan heeryadii gumeysiga,waxaa kaloo in la xuso mudan in xubnaha Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka ay halkaa ka qaadeen heesahii gobanimadoonka oo runtii qiiro galiyey Ummaddi xafladda ka soo qeyb gashay.

Waxa ugu horeentii halkaa khudbad qiimo leh ka jeediyey Gudoomiyaha Jaaliyadda Somali-America Center Mudane Inj. Cumar Shekhey isagoo marka hore hambalyo kala dul dhacay dhaliyaradda qalin jabineysay isagoo ku amaanay juhdigii dheeraa ay soo galeen kaa oo maanta miraheedii la guranaayo,waxa kaloo Gudoomiyaha amaan taa la mid ah u gudbiyey waalidiintii u dhabar adeegay baarbaarinta caruurtooda oo ay maanta kala qeyb galayaan farxadaan,isagoo hadalkiisa sii wata Mudane Inj. Cumarow ayaa uu sheegay in dabaldagaan oo kale la soo bilaabay muddo hadda laga joogo 17 sano isla markaana uu cadeeyey in aan la joojin madaama ay tahay arrin taabaneysa quluubta caruurteyna isla markaana dhiirigelin u noqoneysa kuwa weli waxbarashadda ku jira,

Mudane Cumarow waxa uu warbixin gaaban ka bixiyey hawlaha Jaaliyadda Somali-American Center ay qabatay kuwa oo isugu jira Hawlaha Socdaalka(Immigaration),soo dhicinta lacagaha ay xaqa u leyihiin ee hawgabka(SSI)Caafimaadka iyo ugu dambeyntii la talinta ardayda Jaamacadaha ay galayaan, "Xaqiiqdii maanta waa in lagu farxo Maadaama ardaydeena ay ku guuleysteen jaamacadaha kala ah YALE,PRINCETON UNIVERSATY,EMORY,GA STATE,ACNA SCOTT IYO UNIVERSATY OF GEORGIA" ayuu yiri isagoo ugu dambeyntii u mahadceliyey dadkii suurta geliyey in lagu guuleystay qabsoomida xafladaa oo ay ugu horeeyaan GLITTER OF HOPE FOUNDATION,JAALIYADDA ATLANTA DHAMAANTOOD,XUBNAHA SOMALI-AMERICAN CENTER,DR. GARCIA,CABDI ISAQ,GUDDIGA ISBOORTIGA EE ATLANTA,MASAAJID-YADA ATLANTA,DAHABSHIIL,MABRUUK CORPORATION,GANACSADE MAXAMED SUUFI ABASHEIKH IYO AGAASIMAHA SAGAL RADIO MUDANE XUSEEN XASAN.



                        



 

Waxa kaloo halkaa khubad loo wada khushuucay ka jeediyey Mudane Ancaam Mohamed oo ka mid ah madaxa sare GRITT HOPE FOUNDATION oo ugu horeyntii hambalyo kal iyo laab ah u jeediyey ardaydii qalin jabisay uuna sheegay ay maanta soo dhameysteen qeyb muhim u ah noloshooda lagana doonaayo in ay u diyaar garoobaan qeyb kale oo aad iyo aad sameyn ugu yeelan doonto mustaqbalkooda iyo kan waalidkii soo barbaariyey,waxaana Mudane Ancaam si aan leexleexasho laheyn u siiyey dardaaran ku saabsan in aan la ilooben Dhaqanka qiimaha leh oo ay ku barbaareen,in ay ka tagin diintooda muqadaska ah,sidoo kale in aysan iloobin halkii ay ka yimideen iyo ugu dambeyntii in ay ku xirnaadaan Jaaliyadda Somali-America Center oo runtii shaqo weyn haysa,waxaana Mudane Ancaam halkaa ku kasbaday sacab aan kala go' laheyn.

Waxaa sidoo kale xafladaasi ka hadlay Mudane Cabdinasir Warsame oo xubin ka ah Jaaliyadda Somali-American Center isla markaana ka mid ah aqonyahanadda lagu ixtiraamo aqoonta diinta Islaamka isago si qoto dheer leh uga sheekeeyey diinta Islaamka waxa ay ka qabto aqoonta ,waxaana uu sheegay in suuradii ugu horeysay ee uu eebe soo dejiyey ay aheyd IQRA oo micnaheedu yahay aqri taa oo Ilaaheygii weynaa adoomadiisa dareensiinaayey ahmiyadda ay leedahay waxbarashadda,waxaana uu ugu dambeyntii Mudane Cabdinasir ku booriyey dhalinta qalin jabisay in ay ku dadaalaan in ay hormariyaan waxbarshada oo addunyo iyo akhriraba anfaceysaa.

Waxaana ugu danbeystii xafladii ay ku soo dhamaatay farxad iyo reyn-reyn,waxayna xafladaasi ka mid aheyd inta la xususto mid ka qeyb galkeedii uu ahaa mid loo wada dhan yahay,waxaana ugu dambeyntii waalidiinti iyo caruurtoodiiba ay halka ay isku hambalyeyeen iyagoo ay wajiyayadoodii ka muuqatay shucuur farxadeed oo aad u sareysa...Waxaana leenahay GUUL.......GUUL........GUUL...